Maleeshiyada Villa Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay hub uu lahaa Muungaab.

Monday September 28, 2026 - 07:47:14
MeMO Staff
Iyadoo ay saacadihii lasoo dhaafay aad isu soo tarayeen wararka la xiriira suuragalnimada xilka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha kooxda Gurguurte ugu magacaaban gobolka Banaadir, ayay maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi gacanta ku dhigeen hub uu lahaa Muungaab.
Muungaab oo wararka qaar sheegayaan in xilka qaadis lagu sameyn doono, ayaa lasoo wariyay in uu hub ka daabulay Muqdisho, hubkan ayaa la sheegay in loo waday meel ka baxsan Muqdisho, oo ay ku suganyihiin maleeshiyo taabacsan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hubkan oo sida la sheegay ka koobnaa 26 qori oo Ak47 ah iyo 8 PMK ah, kuna rarnaa gaari Qooqaan ah ayay maleeshiyada kooxda Villa Soomaaliya ay shalay ku qabteen degmada Kaaraan, sida ilo wareedyo sheegeen.

Muungaab ayaa la sheegay in hubkan uu u waday deegaan hoostaga degmada Warsheekh, halkaas oo ay ku suganyihiin maleeshiyo isaga taabacsan.

Kala shakiga soo kala-dhexgalay maamulka Muqdisho, ayaa yimid markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gurguurte uu xilka qaadis ku sameyn doono Muungaab oo hadda ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir.

La wareegista hubka Muungaab iyo wararka la xiriira xilka qaadistiisa oo aad isu soo tarayay saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay, ayaa muujinaya in kooxda Gurguurte qabto walaac ah in uu ku biiro kooxaha mucaaradka ee sida wayn u diidan muddo kororsiga iyo doorashada uu wato Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Items

Update cookies preferences